Welcome to Ministry of Education,culture and Higher Education

Blog

Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ayaa Magaalada Muqdisho Uga qaybgalay Shir.

Mogadishu, Isniin – 21 August 2023
(DG) Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug iyo agaasimaha Waaxda Manaahijta iyo Hormarinta Macallimiinta Mudane Zakariye Cabdullahi iyo agaasimaha Waaxda Waxbrashada Dadban iyo Xirfadaha Mudane xasan kamiin Mire ayaa ka qeeyb galay shirka wadatashiga iyo ansaxinta muqararka manhajka xanaanada caruurta qaranka.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Bahwadaagta kala duwan ee waxbarashada iyo Wasaaradaha ay khuseyso sida: wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, caafimaadka, horumarinta Haweenka, Agaasimayaasha Manaahijta iyo adeegga waxbarashada Ee dowlad gaboleedyada iyo gobolka Benaadir.
(DG) Albashir Elmi Hussein, Ayaa kula dardaarmay in si fiican loo hubiyo manhajkaan si wax loogu baro caruurta Soomaaliyeed.

(DG) Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug Ayaa Shir la Yeeshay Agaasime Waaxeedyada

 

(DG) Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug ayaa soo xiray shirka sanadlaha ah ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo dhuusamareeb ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafaay.
Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada heer Gobol, degmo iyo shaqaalaha xafiiska dhexe ee dhuusamareeb.
Agaasimaha ayaa shaqaalaha kula ballamay in ay dar-dargaliyaan howlaha shaqo ee Wasaaradda uyaal sanad dugsiyeedka 2023-2024.
Agaasimaha kula dardaarmay dhammaan Shaqaalaha in ay ilaaliyaan waqtiga shaqada Markii dib loo furo sannad dugsiyeedka cusub.

WARGELIN.

Dugsiga Galgaduud Adult ee Dhuusamareeb
Maamulka iyo milkiilayaasha Dugsiga Galgadud Adult waxa ay lasoo wadaageen Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha & Tacliinta Sare ee Galmudug warqadda summadeedu tahay DUG/GALGADUDADULT/00208/2022 kuna taariikheysneyd 20/08/2022, warqadan oo uu ahaa nuxurka qoraalka ku qoran raali gelin iyo kasoo hoyasho qaladki ay maamulka iyo milkiilayaashu ka galeen ardayda ay wax barayeen iyo shuruucda iyo xeerarka u yaala waxbarashada Galmudug aysana isku dayi doonin in ay fasal ka bootin ku sameeyaan ardayda ay waxbarayaan sida uu qabo qodobka 12-aad wareegtada tixraaceedu yahay DGG/WWTS/XW/103/2019, Illaa loo helo Manhajka dadka waaweyn oo qorshihiisu hadda socdo.
Hadaba Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha & Tacliinta Sare ee Galmudug iyada oo tixgalinaysa ardayda wax ka baraneysay dugsigan, waxa ay dib u fasaxday ruqsadi shaqo ee dugsiga Galgaduud Adult, waxayna faraysaa maamulka in arday kastaa fariisto fasalkii uu xaqa u lahaa iyada oo loo fiirinayo sanad dugsiyeedkii uu ka qalin jabiyey dugsiga Dhexe iyo joogteynta Waxabarashada, sidoo kale waxa ay wasaaraddu ka qortay milkiilayaasha dugsigan warqad damiin leh si mar kale fursad loo siiyo in ay bahda waxbarashada kasii mid ahaadaan.
MoECHEGalmudug
______________ Dhamaad _______________
📌 Booqo Cinwaanada Wasaaradda 👇
▪︎ Website: https://moe.gm.so

Provide and distribution of Girl’s sanitary pads kits and school uniforms

INVITATION FOR QUOTATION

15 –Augusto -2022

Procurement Name: Provide and distribution of Girl’s sanitary pads kits and school uniforms for Ministry of Education, Culture and High Education Galmudug State of Somalia.

Type of procurement: Goods

Client: Ministry of Education, Culture and High Education, Galmudug State of Somalia.

Invitation for Quotation (IFQ) Reference No Mof/GSS/022/070

Quotation Closing Date: 4 September 2022 at 4:00 pm hour East African Time.

The Ministry of Finance (MOF GSS), acting under the authority of the Galmudug State of Somalia (Council of Ministers), as a responsible for the overall financial management of the Galmudug State of Somalia Budget and other financial affairs.

Galmudug the Ministry of Education, Culture and High Education (MOECHE) has set aside funds being provided by the UNICEF, especially Undaunted-Girls education Programme to be used to cover eligible payments under the contract for which this invitation for Quotation is issued. So Galmudug MOF is seeking Quotations from interested and eligible Suppliers to provide and distribution of Girl’s sanitary pads kits and school uniform.

Bidding will be in accordance with the Competitive Bidding procedures as specified in the Galmudug Procurement Policies and Procedures Manual under the section for ‘Procurement of goods ’. All interested Bidders can obtain the Invitation for Quotation document by sending a request email to: publicprocurement@galmudugmof.so CC admin.finance@moe.gm.so . All the details for submitting a Quotation, including the detailed technical and financial proposal documents and requirements, are set out in the Invitation for Quotation document that will be forwarded upon Bidders request.

Quotation submission should make reference to IFQ Reference No. and the procurement name and must be received no later than: 4 September 2024 at 4:00pm East African Time

Physical Address: Ministry of Finance Dhusamareb, near INJI station, Dhusamareb Somalia

 

Yours truly,

Procurement Office

Ministry of Finance

Dhusamareb

Galmudug State of Somalia

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo markii 4aad oo xiriir ah qaaday Imtixaanka faraslka 8aad

 

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022.

waxaa imtixaanaadka Caasimadda Dowladda Galmudug ka daahfuray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mursal Cabdi Aadan, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Nuur Cilmi Ganey iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali-Bashiir Cilmi Xuseen oo ay weheliyeen qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Agaasimaha waaxda imtixaanaadka Axmed Xuseen kheyre .

Imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022 waxuu ka dhacayaa 22 Xarun imtixaan oo ku kalayaal 12 Degmo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, Waxaana maanta Imtixaanka si rasmi ah u ugu fariistay 3,382 arday.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay guul urajeynaysaa ardayda Galmudug ee maanta Imtixaanka u fariistay.

Ugu danbayn waalidka waxaa laga codsanayaa in ay ardayda qureec soo siiyaan afarta maalin ee imtixaanku socda.

#imtixaanka_fasalka_8_aad_galmudug

#MoECHEGalmudug

______________ Dhamaad _______________
📌 Booqo Cinwaanada Wasaaradda 👇
▪︎ Website: https://moe.gm.so
▪︎ https://facebook.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://twitter.com/MoECHEGalmudug
▪︎

 

https://instagram.com/moechegalmudug

 

 


 

Xaflad lagu Daahfurayey Dafcaddii 2-aad ee Tababarka barayaasha Dugsiyada Hoose/Dhexe oo qaadan doona Diploma 2 Sano ah, ayaa maanta laga daahfuray Xarunta Jaamacadda Ummadda faraceeda Degmada Caabudwaaq

Xaflad lagu Daahfurayey Dafcaddii 2-aad ee Tababarka barayaasha Dugsiyada Hoose/Dhexe oo qaadan doona Diploma 2 Sano ah, ayaa maanta laga daahfuray Xarunta Jaamacadda Ummadda faraceeda Degmada Caabudwaaq.

Tababarkan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug, Hay’adda Save the Children iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Galmudug.

Furitaanka xafladda Waxaa Ka soo qayb galay Madax ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo uu Hogaaminayey Wasiir ku Xigeenka, Mudane Shariif Maxamed khalif ayna weheliyeen Agaasimaha Guud, Mudane Ali-Bashiir Cilmi Xuseen, Agaasimaha Waaxda Tayo-dhawrka, qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda heer Gobol iyo heer Degmo.

Ujeedada Tababarka ayaa ah sare u qaadista tayada Macalimiinta Galmudug.

#MoECHEGalmudug
______________ Dhamaad _______________
📌 Booqo Cinwaanada Wasaaradda 👇
▪︎ Website: https://moe.gm.so
▪︎ https://facebook.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://twitter.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://instagram.com/moechegalmudug

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo kormeeray dugsiyada Degmada caabudwaaq

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Gamudug
Mudane Shariif Maxamed khaliif,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cali-Bashiir Cilmi Xuseen, Agaasimaha waaxda Taya-dhowrka
Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Galgaduud iyo Gudoomiyaha waxbarada Degmada Caabudwaaq ayaa kormeer iyo indho-indheyn kutagay qaar kamid ah Dugsiyada Degmada Caabudwaaq.

Wasiirka iyo Agaasimaha ayaa hadal dhiiragalin iyo dardaaran ah ujeediyey ardayda shahaadiga ah ee fasalka 8-aad iyo 12-aad.

Madaxda ayaa ardayda urajeeyay guul iyo barraare waxayna u dardaarmeen in ay siwaagsan ugu diyaar garoobaan imtixaanka Dowladda ee Sanad Dugsiyeedka 2021-2022.

#MoECHEGalmudug
______________ Dhamaad _______________
📌 Booqo Cinwaanada Wasaaradda 👇
▪︎ Website: https://moe.gm.so
▪︎ https://facebook.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://twitter.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://instagram.com/moechegalmudug