Welcome to Ministry of Education,culture and Higher Education

Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ayaa Magaalada Muqdisho Uga qaybgalay Shir.

21 Aug

Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ayaa Magaalada Muqdisho Uga qaybgalay Shir.

Mogadishu, Isniin – 21 August 2023
(DG) Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug iyo agaasimaha Waaxda Manaahijta iyo Hormarinta Macallimiinta Mudane Zakariye Cabdullahi iyo agaasimaha Waaxda Waxbrashada Dadban iyo Xirfadaha Mudane xasan kamiin Mire ayaa ka qeeyb galay shirka wadatashiga iyo ansaxinta muqararka manhajka xanaanada caruurta qaranka.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Bahwadaagta kala duwan ee waxbarashada iyo Wasaaradaha ay khuseyso sida: wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, caafimaadka, horumarinta Haweenka, Agaasimayaasha Manaahijta iyo adeegga waxbarashada Ee dowlad gaboleedyada iyo gobolka Benaadir.
(DG) Albashir Elmi Hussein, Ayaa kula dardaarmay in si fiican loo hubiyo manhajkaan si wax loogu baro caruurta Soomaaliyeed.