Welcome to Ministry of Education,culture and Higher Education

Home

 

Farriinta Wasiirka

Booqdaha qaaliga ah,Waxaan ku faraxsanahay in aan kugu soo dhaweeyo shabakadda wasaaraddeena, kaas oo loogu talagalay in laga helo macluumaadka ku habboon, kor loogu qaado aragtida laguna kordhiyo daahfurnaanta waxbarashada. Sidaa darteed, shabakadani waxay soo bandhigaysaa mudnaanta, siyaasadaha iyo sidoo kale hawlaha shaqo ee wasaaradda.Waxaan hiigsaneynaa inaan barno ardaydeena aqoonta, xirfadaha iyo dabeecadaha lagama maarmaanka u ah bulshooyinka nabdoon ee wax soo saarka leh. Tani waxay u sahlaysa ardaydeena inay ka qayb qaataan dadaalka dib loogu dhisayo Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah. Waxaan sidoo kale hiigsaneynaa inaan horumarino barnaamij waxbarasho oo xooggan iyo wadashaqeyn wax ku ool ah oo aan la leenahay shuraakadayada iyo deeq-bixiyeyaasha. Si loo gaaro yoolkan, wasaaraddu waxaa ka go’an in ay si buuxda u dhaqangeliso qorshaha waxbarashada ee ESSP 2022-2026 kaas oo diiradda saaraya fursad u helidda, sinnaanta, tayada iyo maamul wanaaga si adeegyada waxbarashada dalka loo gaarsiiyo. Intaad booqashada shabakaddan aad ku jirto, waxaad ka heli doontaa macluumaad qiimo leh, siyaasadaha waxbarashada iyo barnaamijyada iyo sidoo kale adeegyada xiisaha gaarka ah u leh ardayda hadda iyo kuwa mustaqbalka, barayaasha iyo maamulka labadaba. Sida aan u sii wadno hamiga siinta ardaydeena waxbarasho la heli karo, tayo leh, waxa aanu go’aansanay in aanu idinla wadaagno guulahayaga, mudnaantayada iyo baahiyahayaga. Intaa waxaa dheer, waxaan ogsoonahay caqabadaha nagu soo fool leh waxaana naga go’an inaan sameyno intii karaankeena ah. Waanu ka mahadcelinaynaa danayntaada, waxaanan kugu dhiirigelinaynaa inaad taageerto, la taliso oo aad siiso jawaab-celintaada wax-ku-oolka ah, wasaaradda.

H.E. Mohamed Hashi Dhore 
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Dowlad Goboleedka Galmudug