Author name: moECHE

Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Daahfuray Tartanka Shirkadaha Dhisaya Shan Dugsi oo Cusub

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Maxamed Xashi Dhoore, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ka daahfuray tartanka shirkadaha u tartamaya dhismaha shan dugsi oo wasaaraddu ka hirgelinayso gobollada Mudug iyo Galgaduud.Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay tartanka shirkadaha, kana dhacday xarunta Wasaaradda Waxbarashada, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, howl-wadeennada mashruuca SEHCO heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyo madaxda shirkadaha tartamaya.Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, mudane Maxamed Xashi Dhoore, ayaa sheegay in ay tahay guul weyn daahfurka tartankani, isla markaana ay tani ka mid tahay dadaallada ay wasaaraddu ugu jirto horumarinta waxbarashada ubadka Galmudug.-DHAMMAAD-

Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Daahfuray Tartanka Shirkadaha Dhisaya Shan Dugsi oo Cusub Read More »

Agaasimaha Guud (Director General) Albashir Elmi ayaa ka qaybgalay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

Dhuusamareeb, Khamiis 21 Noofeember 2024. MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED Agaasimaha Guud (Director General) Albashir Elmi ayaa ka qaybgalay munaasabad si wayn loo soo agaasimay oo lagu xusayey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay maalintaan leedahay isagoona hambalyo udiray Dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed gaar ahaan Macallimiinta Galmudug, Sidoo kale dhammaan Madaxdii hadashay ayaa qiray doorka macallinka Soomaaliyeed ee ku aadan horumarinta bulshada iyo ubadka soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud (Director General) Albashir Elmi ayaa ka qaybgalay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed Read More »

(DG) Albashir Elmi Hussein, ayaa Degmada Dhusamareeb ka daahfuray imtixaanka macalliminta qaranka Soomaaliyeed ee ka hawlgali doona Dugsiyada Galmudug.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Galmudug (DG) Albashir Elmi Hussein, ayaa Degmada Dhusamareeb ka daahfuray imtixaanka macalliminta qaranka Soomaaliyeed ee ka hawlgali doona Dugsiyada Galmudug. Xarunta Dhusamareeb waxaa imtixaanka ku galay tartamayaal gaaraya 560. Tirada codsadayaasha usoo gudbey imtixaanka qoraalka ah ee Galmudug ayaa ah 1,350 tartame. Imtixaanka ayaa sanadkan lagu qaaday afar degmo oo Kala ah: 1: Dhusamareeb 2: Galkayo 3: Cadaado 4: Cabudwaaq (DG) Albashir Elmi Hussein, ayaa kula dardaarmay macallimiinta in ay u hogaansamaan awaamiirta imtixaanka ayagoo iska ilaalinaya wax qish ah. Sidoo kale agaasimaha ayaa u rajeeyey in Allaah ku guuleeyo imtixaanka. Agaaismaha ayaa xusay im macallimiinta soo gudubta ay ka shaqo gali doonaan dugsiyada Galmudug sida ugu dhaqsiyaha badan kaas oo ay baahi wayn u qabaaan in ay macallimiin. Qaadashada macallimiinta ayaa noqonaysa markii labaad oo loo qaatay macallimiin qaran kuwaas oo ka hawl gali doono dhammaan deegaannada iyo degmooyinka Galudug.

(DG) Albashir Elmi Hussein, ayaa Degmada Dhusamareeb ka daahfuray imtixaanka macalliminta qaranka Soomaaliyeed ee ka hawlgali doona Dugsiyada Galmudug. Read More »

Provide and distribution of Girl’s sanitary pads kits and school uniforms.

INVITATION FOR QUOTATION 5 –October -2023 Procurement Name: Provide and distribution of Girl’s sanitary pads kits and school uniforms for Ministry of Education, Culture and High Education Galmudug State of Somalia. Type of procurement: Goods Client: Ministry of Education, Culture and High Education, Galmudug State of Somalia. Invitation for Quotation (IFQ) Reference No MoE/GSS/03/23 Quotation Closing Date: 25 October 2023 at 4:00 pm hour East African Time. The Ministry of Education (MOE GSS), acting under the authority of the Galmudug State of Somalia (Council of Ministers), is responsible for the overall Education management of the Galmudug State of Somalia. Galmudug the Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE) has set aside funds being provided by the UNICEF, especially Undaunted-Girls education Program to be used to cover eligible payments under the contract for which this invitation for Quotation is issued. So Galmudug MOE is seeking Quotations from interested and eligible Suppliers to provide and distribution of Girl’s sanitary pads kits and school uniform. Bidding will be in accordance with the Competitive Bidding procedures as specified in the Galmudug Procurement Policies and Procedures Manual under the section for ‘Procurement of goods ’. All interested Bidders can obtain the Invitation for Quotation document by sending a request email to: procurement@moe.gm.so  CC admin.finance@moe.gm.so . All the details for submitting a Quotation, including the detailed technical and financial proposal documents and requirements, are set out in the Invitation for Quotation document that will be forwarded upon Bidders request. Quotation submission should make reference to IFQ Reference No. and the procurement name and must be received no later than: 25 October 2023 at 4:00pm East African Time Physical Address: Ministry of Education Dhusamareb, near INJI station, Dhusamareb Somalia Yours truly, Procurement Office Ministry of Education Dhusamareb, Galmudug State of Somalia.

Provide and distribution of Girl’s sanitary pads kits and school uniforms. Read More »

Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ayaa Magaalada Muqdisho Uga qaybgalay Shir.

Mogadishu, Isniin – 21 August 2023 (DG) Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug iyo agaasimaha Waaxda Manaahijta iyo Hormarinta Macallimiinta Mudane Zakariye Cabdullahi iyo agaasimaha Waaxda Waxbrashada Dadban iyo Xirfadaha Mudane xasan kamiin Mire ayaa ka qeeyb galay shirka wadatashiga iyo ansaxinta muqararka manhajka xanaanada caruurta qaranka. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Bahwadaagta kala duwan ee waxbarashada iyo Wasaaradaha ay khuseyso sida: wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, caafimaadka, horumarinta Haweenka, Agaasimayaasha Manaahijta iyo adeegga waxbarashada Ee dowlad gaboleedyada iyo gobolka Benaadir. (DG) Albashir Elmi Hussein, Ayaa kula dardaarmay in si fiican loo hubiyo manhajkaan si wax loogu baro caruurta Soomaaliyeed.

Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ayaa Magaalada Muqdisho Uga qaybgalay Shir. Read More »

(DG) Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug Ayaa Shir la Yeeshay Agaasime Waaxeedyada

  (DG) Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug ayaa soo xiray shirka sanadlaha ah ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo dhuusamareeb ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafaay. Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada heer Gobol, degmo iyo shaqaalaha xafiiska dhexe ee dhuusamareeb. Agaasimaha ayaa shaqaalaha kula ballamay in ay dar-dargaliyaan howlaha shaqo ee Wasaaradda uyaal sanad dugsiyeedka 2023-2024. Agaasimaha kula dardaarmay dhammaan Shaqaalaha in ay ilaaliyaan waqtiga shaqada Markii dib loo furo sannad dugsiyeedka cusub.

(DG) Albashir Elmi Hussein, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug Ayaa Shir la Yeeshay Agaasime Waaxeedyada Read More »

WARGELIN.

Dugsiga Galgaduud Adult ee Dhuusamareeb Maamulka iyo milkiilayaasha Dugsiga Galgadud Adult waxa ay lasoo wadaageen Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha & Tacliinta Sare ee Galmudug warqadda summadeedu tahay DUG/GALGADUDADULT/00208/2022 kuna taariikheysneyd 20/08/2022, warqadan oo uu ahaa nuxurka qoraalka ku qoran raali gelin iyo kasoo hoyasho qaladki ay maamulka iyo milkiilayaashu ka galeen ardayda ay wax barayeen iyo shuruucda iyo xeerarka u yaala waxbarashada Galmudug aysana isku dayi doonin in ay fasal ka bootin ku sameeyaan ardayda ay waxbarayaan sida uu qabo qodobka 12-aad wareegtada tixraaceedu yahay DGG/WWTS/XW/103/2019, Illaa loo helo Manhajka dadka waaweyn oo qorshihiisu hadda socdo. Hadaba Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha & Tacliinta Sare ee Galmudug iyada oo tixgalinaysa ardayda wax ka baraneysay dugsigan, waxa ay dib u fasaxday ruqsadi shaqo ee dugsiga Galgaduud Adult, waxayna faraysaa maamulka in arday kastaa fariisto fasalkii uu xaqa u lahaa iyada oo loo fiirinayo sanad dugsiyeedkii uu ka qalin jabiyey dugsiga Dhexe iyo joogteynta Waxabarashada, sidoo kale waxa ay wasaaraddu ka qortay milkiilayaasha dugsigan warqad damiin leh si mar kale fursad loo siiyo in ay bahda waxbarashada kasii mid ahaadaan. MoECHEGalmudug ______________ Dhamaad _______________ Booqo Cinwaanada Wasaaradda ▪︎ Website: https://moe.gm.so ▪︎ https://facebook.com/MoECHEGalmudug ▪︎ https://twitter.com/MoECHEGalmudug ▪︎ https://instagram.com/moechegalmudug

WARGELIN. Read More »

Scroll to Top