WARGELIN.

Dugsiga Galgaduud Adult ee Dhuusamareeb
Maamulka iyo milkiilayaasha Dugsiga Galgadud Adult waxa ay lasoo wadaageen Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha & Tacliinta Sare ee Galmudug warqadda summadeedu tahay DUG/GALGADUDADULT/00208/2022 kuna taariikheysneyd 20/08/2022, warqadan oo uu ahaa nuxurka qoraalka ku qoran raali gelin iyo kasoo hoyasho qaladki ay maamulka iyo milkiilayaashu ka galeen ardayda ay wax barayeen iyo shuruucda iyo xeerarka u yaala waxbarashada Galmudug aysana isku dayi doonin in ay fasal ka bootin ku sameeyaan ardayda ay waxbarayaan sida uu qabo qodobka 12-aad wareegtada tixraaceedu yahay DGG/WWTS/XW/103/2019, Illaa loo helo Manhajka dadka waaweyn oo qorshihiisu hadda socdo.
Hadaba Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha & Tacliinta Sare ee Galmudug iyada oo tixgalinaysa ardayda wax ka baraneysay dugsigan, waxa ay dib u fasaxday ruqsadi shaqo ee dugsiga Galgaduud Adult, waxayna faraysaa maamulka in arday kastaa fariisto fasalkii uu xaqa u lahaa iyada oo loo fiirinayo sanad dugsiyeedkii uu ka qalin jabiyey dugsiga Dhexe iyo joogteynta Waxabarashada, sidoo kale waxa ay wasaaraddu ka qortay milkiilayaasha dugsigan warqad damiin leh si mar kale fursad loo siiyo in ay bahda waxbarashada kasii mid ahaadaan.
MoECHEGalmudug
______________ Dhamaad _______________


▪︎ Website: https://moe.gm.so