HORDHAC
Deeq Waxbarasho Ethiopia - Heerka Koowaad (Bachelor)
Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxa ay shaacinaysaa deeq waxbarasho heerka koowaad (Bachelor) oo ka socota dalka Ethiopia.
Deeqdan ayaa ka kooban 15 kursi waxaana waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga la gudbin karo uu yahay 30-ka bisha 9aad 2025.
Deeqdan waxay si gaar ah ugu talo gashay ardayda doonaya fursad waxbarasho sare oo jaamacadeed, iyadoo lagu dhiirrigelinayo kobaca aqoonta iyo xirfadaha mustaqbalka.
Shuruudaha Laga Doonaayo Ardayga: Baajullaarka
- In uu haysto shahaado dugsi sare ah oo ay wasaaraddu aqoonsantahay.
- In aysan darajadiisu ka yarayn 70%.
- In uu caafimaad qabo, oo uu haysto warqad cadayn caafimaad.
- In uu haysto warqadda denbi la’aanta (CID).
- In uu haysto kaarka Dhalashada Qaranka (Niiro) ama Shahaadada ku sugista kaarka.
- In aysan laba sano ka badnaynin xilliga uu ka soo qalinjibiyay dugsiga sare.
- In uu keeno damiin lagala xisaabtamo haddii uu waxbarashada dhamaysan waayo.
- In uu damiinku saxiixo warqad caddeynaysa in uu bixindoono qarashaadka waxbarashada haddii ardaygu ku dhaco, isaga tago ama uu keeno darajo ka yar 70%.
- In uu dalbadaha saxiixo, in uu dalka dib ugu soo laabandoono, oo uu dalka ka shaqeeyo muddo 3 sano ah kadib marka uu dhammeeyo waxbarashada.
Waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga: 30 September 2025
HORDHAC
Deeq Waxbarasho Ethiopia - Heerka Koowaad (Bachelor)
Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxa ay shaacinaysaa deeq waxbarasho heerka koowaad (Bachelor) oo ka socota dalka Ethiopia. Deeqdan ayaa ka kooban 15 kursi waxaana waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga la gudbin karo uu yahay 30-ka bisha 9aad 2025. Deeqdan waxay si gaar ah ugu talo gashay ardayda doonaya fursad waxbarasho sare oo jaamacadeed, iyadoo lagu dhiirrigelinayo kobaca aqoonta iyo xirfadaha mustaqbalka.