Welcome to Ministry of Education,culture and Higher Education

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa agaasintay xaflad lagu sagootinaayo agaasimihii hore ee Wasaaradda.

13 Apr

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa agaasintay xaflad lagu sagootinaayo agaasimihii hore ee Wasaaradda.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug ayaa soo agaasintay xaflad lagu sagootinayay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Mudane Ahmednur Cusman Cali.

Xafladda waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka gargaarka & maareynta musiibooyinka, Agaasimaha xilka lawareegay ee wasaaradda Waxbarashada, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Galmudug, Agaasime waaxeedyada iyo Shaqaallaha wasaaradda Waxbarashada iyo qeybo ka mid ah shaqaallaha Dowlada Galmudug.

Ujeedadda Xalfadaan ayaa ahayd mahadnaq iyo sagootin loo samaynayey agaasimihi hore ee wasaaradda Waxbarashada Galmudug, kaas oo in muddo ah kasoo shaqaynayey Wasaaradda Waxbarashada kuno hogaamiyey hor-mar la taaban karo.

Sagootintii Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug

#MoECHEGalmudug
______________ Dhamaad _______________
📌 Booqo Cinwaanada Wasaaradda 👇
▪︎ Website: https://moe.gm.so
▪︎ https://facebook.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://twitter.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://instagram.com/moechegalmudug