
Xil wareejinta agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug Cali Bashiir Cilmi Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaaradda waxbarashada Axmednur Cusman Cali.
Xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore oo xilka u kala wareejiyey Labada Agaasime, sidookale waxaa goobjoog ahaa inta badan shaqaalaha wasaaradda.
Wasiirka ayaa ku amaanay Agaasimihii hore shaqadii adkayd ee uu Wasaaradda kasoo qabtay mudadii dheereed ee uu ahaa Agaasimaha Guud , wuxuuna ladardaarmay Agaasimaha shaqada lawareegay Cali Bashiir Cilmi Xersi.
ugu danbayn Wasiirka ayaa bilad sharaf gudoonsiiyey Agaasimihii hore Axmednur Cusman Cali.
#MoECHEGalmudug
______________ Dhamaad _______________
📌 Booqo Cinwaanada Wasaaradda 👇
▪︎ Website: https://moe.gm.so
▪︎ https://facebook.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://twitter.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://instagram.com/moechegalmudug