
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo markii 4aad oo xiriir ah qaaday Imtixaanka faraslka 8aad
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022.
waxaa imtixaanaadka Caasimadda Dowladda Galmudug ka daahfuray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mursal Cabdi Aadan, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Nuur Cilmi Ganey iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali-Bashiir Cilmi Xuseen oo ay weheliyeen qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Agaasimaha waaxda imtixaanaadka Axmed Xuseen kheyre .
Imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022 waxuu ka dhacayaa 22 Xarun imtixaan oo ku kalayaal 12 Degmo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, Waxaana maanta Imtixaanka si rasmi ah u ugu fariistay 3,382 arday.
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay guul urajeynaysaa ardayda Galmudug ee maanta Imtixaanka u fariistay.
Ugu danbayn waalidka waxaa laga codsanayaa in ay ardayda qureec soo siiyaan afarta maalin ee imtixaanku socda.
#imtixaanka_fasalka_8_aad_galmudug
#MoECHEGalmudug
______________ Dhamaad _______________
📌 Booqo Cinwaanada Wasaaradda 👇
▪︎ Website: https://moe.gm.so
▪︎ https://facebook.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://twitter.com/MoECHEGalmudug
▪︎
https://instagram.com/moechegalmudug