Welcome to Ministry of Education,culture and Higher Education

Manhajka Cusub oo laga Daah-furay Casiimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb

Manhajka Cusub oo laga Daah-furay Casiimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb

Wasaaradda waxbarashada & Tacliinta sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa goordhow magaalada Dhuusamareeb ka daah-furtay qaybinta buugaagta manhajka cusub ee dugsiyada Hoose iyo Dhexe(1aad iyo 8aad)ee Dalka kuwaa oo tiradoodu dhantahay Boqol iyo konton kun oo buug kuwaa oo si bilaash ah loogu qaybinayo dhamaanba ardayda iskuulada Galmudug .
Munaasabada qaybinta buugaagtaan waxaa laga bilaabay Dugsiga Al-ma’muun ee Dhuusamareeb halkaa oo goobjoog ay ka ahaayeen wasiirka Waxbarashada & Tacliinta sare ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed deeq Cabdi Maxamed “Falko” iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradda waxbarashada soomaaliya .
Wasiir falko ayaa warbaahinta u sheegey in buugaagtan oo ah hanti qaran la gaarsiin doono dhammaan deeganada Galmudug state