Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada & Tacliinta sare ee Galmudug,
Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada & Tacliinta sare ee Galmudug, Agaasimaha waaxda Dugsiyada, Kormeeraha Gobolka Galgaduud iyo Gudoomiyaha waxbarashada ee Degmada Guricel ayaa kulan la yeeshay maamulayaasha Dugsiyada Guricel kuwaas oo kala hadleen sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir ay wasaaraddu soo saartay oo la xariirta kor u qaadida tayada waxbarashada. Agaasimaha Guud ayaa maamulayaasha ku wargaliyey soo dalbashada shahaadada Dugsiga dhexe ee Fasalka 8aad oo ay wasaaraddu diyaarisay, asaga oo usoo bandhigay hab(system) cusub oo ay wasaaraddu samaysay taas oo la xariirta kaydinta xogta ardada Dugsiga dhexe.
Wasaaradda ayaa waayihii dambe waday kulamo ay la yeelanayso maamulayaasha Dugsiyada Galmudug si kor loogu qaado tayeynta waxbarashada.