
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Galmudug (DG) Albashir Elmi Hussein, ayaa Degmada Dhusamareeb ka daahfuray imtixaanka macalliminta qaranka Soomaaliyeed ee ka hawlgali doona Dugsiyada Galmudug.
Xarunta Dhusamareeb waxaa imtixaanka ku galay tartamayaal gaaraya 560.
Tirada codsadayaasha usoo gudbey imtixaanka qoraalka ah ee Galmudug ayaa ah 1,350 tartame.
Imtixaanka ayaa sanadkan lagu qaaday afar degmo oo Kala ah:
1: Dhusamareeb
2: Galkayo
3: Cadaado
4: Cabudwaaq

(DG) Albashir Elmi Hussein, ayaa kula dardaarmay macallimiinta in ay u hogaansamaan awaamiirta imtixaanka ayagoo iska ilaalinaya wax qish ah. Sidoo kale agaasimaha ayaa u rajeeyey in Allaah ku guuleeyo imtixaanka. Agaaismaha ayaa xusay im macallimiinta soo gudubta ay ka shaqo gali doonaan dugsiyada Galmudug sida ugu dhaqsiyaha badan kaas oo ay baahi wayn u qabaaan in ay macallimiin.
Qaadashada macallimiinta ayaa noqonaysa markii labaad oo loo qaatay macallimiin qaran kuwaas oo ka hawl gali doono dhammaan deegaannada iyo degmooyinka Galudug.
- +252 614044944
- info@moe.gm.so
- Mon - Fri: 9:00 - 18:30