Welcome to Ministry of Education,culture and Higher Education

Xaflad lagu Daahfurayey Dafcaddii 2-aad ee Tababarka barayaasha Dugsiyada Hoose/Dhexe oo qaadan doona Diploma 2 Sano ah, ayaa maanta laga daahfuray Xarunta Jaamacadda Ummadda faraceeda Degmada Caabudwaaq

23 Apr

Xaflad lagu Daahfurayey Dafcaddii 2-aad ee Tababarka barayaasha Dugsiyada Hoose/Dhexe oo qaadan doona Diploma 2 Sano ah, ayaa maanta laga daahfuray Xarunta Jaamacadda Ummadda faraceeda Degmada Caabudwaaq

Xaflad lagu Daahfurayey Dafcaddii 2-aad ee Tababarka barayaasha Dugsiyada Hoose/Dhexe oo qaadan doona Diploma 2 Sano ah, ayaa maanta laga daahfuray Xarunta Jaamacadda Ummadda faraceeda Degmada Caabudwaaq.

Tababarkan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug, Hay’adda Save the Children iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Galmudug.

Furitaanka xafladda Waxaa Ka soo qayb galay Madax ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo uu Hogaaminayey Wasiir ku Xigeenka, Mudane Shariif Maxamed khalif ayna weheliyeen Agaasimaha Guud, Mudane Ali-Bashiir Cilmi Xuseen, Agaasimaha Waaxda Tayo-dhawrka, qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda heer Gobol iyo heer Degmo.

Ujeedada Tababarka ayaa ah sare u qaadista tayada Macalimiinta Galmudug.

#MoECHEGalmudug
______________ Dhamaad _______________
📌 Booqo Cinwaanada Wasaaradda 👇
▪︎ Website: https://moe.gm.so
▪︎ https://facebook.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://twitter.com/MoECHEGalmudug
▪︎ https://instagram.com/moechegalmudug